Deni oo markii ugu horreeysey qiray in Puntland ay yaallaan makiinado lacagaha daabaca & amar sicir barar keeni kara oo uu dul dhigay Golis

0

(Garoowe) 09 Dis 2020 – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qiray in Puntland in ay ku yaallaan ugu yaraan afar makiinadood oo lagu farsameeyo lacagaha been abuurka ah gaar ahaan kuwa shilin Soomaaliga.

MW Puntland ayaa farta ku godey shirkado gaar ah oo uu tilmaamay inay daabacaan lacagahaasi kaddibna ay kusoo fatahaan suuqa, iyagoo weliba adeegsanaya xeelad ay ugu ekaysiinayaan lacago ”duug ah” oo horay loo adeegsanayey, si aanay shacabku u garan.

MW Deni oo u qiil samaynayey sababta uu maamulkaasi u go’aansaday inay canshruurta ku qaataan Doollarka Maraykanka, ayaa sheegay inay sababtani tahay midda tillaabadaa ku khasabtay.

“Waxaa jirta koox yar oo ganacsato ah oo dekedda ku xiran oo diiddan inay doollarka canshuurta ku bixiyaan, kuwaasoo markii aannu amarkan soo rogney bilaabay shaqo joojin.” Ayuu yiri MW Deni.

Deni ayaa dhanka kale hanjabaad u diray sharikadda Golis oo uu sheegay inuu xirayo adeeggooda Sahal oo uu ku eedeeyey inuu ”xagal daacinayo” tillaabada uu maamulku ku doonayo inuu ku sar gooyo sarrifka Doollarka.

Wuxuu sheegay in ay joojiyeen in la isu diro wax ka yar hal Doollar, balse ay deeto sharikaddu bilowday adeeg Waafi la yiraahdo oo la isugu dirayo sentiyo, taasoo uu sheegay inaysan ogolaanaynin oo shirkadda xirayaan.

Lama oga siyaasadda ka dambaysa in uu maamulku ka hadlo in senti la diri karo iyo in kale iyo danta gaarka ah ee ugu sugan in doollar uun laga bilaabo waxa la isu dirayo, iyadoo ay taasi keeni karto sicir barar maadaama ay jiraan waxyaabo sentiyo jooga oo ay dadku u baahan yihiin.

Sidoo kale, jaan-goynta sarrifku waa howl u taalla Bankiga Dhexe ee DF Somalia. Waxaa dheer, in makiinadaha lagu sameeyo lacagtu ay muddo dheer halkaa yaalleen, balse aanu maamulku xilli hore waxba ka qaban.

Hadalsame Media