Sucuudiga oo hal sabab oo la yaab leh dib ugu dhigaya xiriir rasmi ah oo uu ”ogolaaday” inuu la yeesho Israel

0

(Riyaad) 08 Dis 2020 – Sucuudiga ayaa u muuqda mid dib u dhigaya inuu xiriir la samaysto Israel ugu yaraan tan iyo inta uu xafiiska la wareegayo Madaxwaynaha-dooran ee Joe Biden 20-ka Jannaayo, sida uu qorayo Wall Street Journal.

Waxaa la hadal hayaa in dhaxal-sugaha Sucuudiga ee Amiir Mohammed bin Salman “uu dib uga baxay heshiis dhici lahaa kaddib markii laga adkaaday Donald Trump”

The Journal wuxuu daba dhigay, in sida laga helayo ilo Sucuudi ah, uu Amiirku aad “uga caga jiidayey inuu tillaabadaa hadda qaado, maadaama uu iska raaridey inuu heshiis fiican la galo hoggaamiyaha cusub ee imanaya ee Maraykanka.”

Reuters ayaa iyadna qortay in Sucuudigu uu heshiis la gelayo Israel, balse uu doonayo inuu ka dhigo “ubax uu kusoo dhowaynayo Biden, iyo xeelad uu uga jeedinayo arrimaha kale ee ay kooxaha liberaalka ihi ku gariifsan yihiin Sucuudiga, sida xuquuqda insaanka,” sida laga xigtey diblomaasi qalaad oo Riyaad fadhiya.

Sucuudiga oo beri dhowayd magaalada Badda Cas dhacda ee Neom kulan qarsoodi ah kula yeeshay RW Benjamin Netanyahu iyo Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo ayaa joojiyey kulamo kale oo raaci lahaa kaddib markii maalin kaddib uu heshiiska dusiyey Wasiirka Waxbarashada Israel, balse si kastaba Sucuudigu durba waa bilaabay la xiriiridda Israel oo wuxuu bishii Sebtembar u furay hawadiisa.

Israel ayaa xiriirka dalalka Carabta ee Khaliijka oo ay u mareeyso falax-goodinta Maraykanka oo halkaa ku ilaaliya nidaamyada kali taliska ah ka doonaysa ujeeddooyin badan oo iskugu jira kuwo dhaqaale iyo amaan.

Dhanka amaanka waxay doonaysaa inay ku maaweeliso Iiraan oo ay u aragto halis istaraatiji ah, halka dhanka amaanka ay doonayso inay ka faa’iidaysto kaashka ay hayaan dalalka Gacanka oo aan lahayn raasumaal dad (human capital) si ka duwan Israel oo haysata bulsho dhisan oo wax qaban karta.

Hadalsame Media