Rakaab Israeli ah oo saaka loo diidey inay galaan Dubai & sababta keentay inay taasi dhacdo

0
Airline travelers wait to clear immigration control at the Dubai International Airport in the United Arab Emirates on August 25, 2016. (Photo by Robert Nickelsberg/Getty Images)

(Dubai) 07 Dis 2020 – Dad ku dhow qiyaastii 200 oo rakaab Israeli ah ayaa saaka lagu xayiray gegada caalamiga ah ee  Dubai International Airport (DXB) kaddib markii muddo gaaban la bedeley xeerka socdaalka, sida lagu qoray Al-Khaleej Times.

Sida lagu baahiyey hilinka Israel ee Channel 12 TV, Imaaraadka (UAE) ayaa gelitaanka u diidey rakaabkan kaddib markii la kansalay fiisohoodii, iyadoo la fasaxay muwaadiniintii aan Israeli-ga ahayn.

Balse arrintaa oo lagu tilmaamay “is afgaran waa” ayaa markii dambe la dhameeyey kaddib markii la dhamaystiray codsiyadooda fiisaha oo dhanka internet-ka ahaa (e-visa) iyadoo raalli gelin la siiyey, sida uu sheegay afhayeen u hadlay WAD Israel, Lior Haiat iyo afhayeen u hadlay flyDubai.

Arrintan ayaa timid xilli ay UAE iyo Israel isku raaceen inay fiise la’aan iskugu safraan labada dhinac, kaddib markii ay xiriir yeesheen bishii Sebtembar, iyagoo kala saxiixday heshiisyo daraasiin ah oo inta badan ka tarjumaya danaha Yuhuudda.

Imaaraadku waa dalkii 3-aad oo Carbeed oo xiriir rasmi ah la yeesha Israel kaddib Masar sanaddii 1979 iyo Urdun 1994.

Hadalsame Media