Markabka ugu casrigan kuwa dayuuradaha xambaara ee UK oo la kulmay shil ”ceeb” lagu tilmaamay (Daawo)

0

(London) 07 Dis 2020 – Markabka dayuuradaha qaada ee ugu casrisan Britain ee HMS Prince of Wales ayaa dalkaasi ku xirnaan doona oo aan Maraykanka u shiraacan doonin tan iyo guga, kaddib markii uu la kulmay arrin ”yaxyax leh.”

Markabkan oo dadka British-ka ah ugu kacay £3.2 bilyan oo gini, waxaa loo arkaa mid ka mid ah hantida ugu muhiimsan Ciidanka UK Royal Navy, isagoo uu wehliyo midka kale ee HMS Queen Elizabeth, Prince of Wales wuxuu awood u leeyahay inuu xambaaro dayuuradaha casriga ah ee F-35 isla markaana uu ka howgalo fogaan dhan 10,000 oo nautical mayl.

Balse waxaa looga maara la’yahay biyo days, iyadoo maanta la go’aamiyey in la cillad bixiyo ilaa Maajo 2021-ka, kaddib markii bishii Oktoobar ee sanadkii tegey ay biyo soo galeen khan ka mid ah, kuwaasoo burburiyey hannaanka korontada.

Dab markabka ka dhashay ayaa markii hore keenay inay kumannaan galaan oo biyo ihi ay kusoo fatahaan markabka, taasoo keentay in qolal dhami ay buuxsamaan maalin ka badan.

Wuxuu Prince of Wales sidan ku seegayaa safar dhoollatus ahaa oo horay loo qorsheeyey inuu dhamaadka sanadkan uga qayb galo Maraykanka, kaasoo ay ku jirto tababar ku saabsan dayuuradaha F-35 oo dunida ku cusub.

“Waa ceeb. Safarka Maraykanka sanado ayaan qorshaynayney haddana waxaan niri ma imaan karno, waayo cilladu bilo ayay qaadanaysaa waxaana ku baxaysa malaayiin doollar.” ayay ilo ciidan oo is qariyey u sheegeen the Sun. 

Muuqaalkii biyaha bishii Oktoobar 2019 ayaa Maajo 2020 lagu baahiyey Facebook, iyadoo la arkayo biyaha oo saqafka uga soo daadanaya qaybaha fadhiga ee Markabka casriga ah.

Hadalsame Media