”Madaxwayne maadaama aad annaga noo shaqayso waxaan kuu wadaa ”MUSHAHARKAAGII” – Sheeko murugo badan

0

(Hadalsame) 07 Dis 2020 – “Alla kululaa!”, duhurkii ayey ka kacday dariiq ay saaka la fariisatay xoogaa khudaar ah oo ay ilmaha ka koriso.

Xaajiyo Faadumo waxay u dhaqaaday aqalkii oo ay ku sugayeen saddex caruur ah oo ay agoonimo ku koriso. Daalka waxaa u dheeraa caga-jiid iyo culays uu ku hayey jawaanka dhabarka u saaran oo ay la tiicaysey. Kulaylka bacaadka ay ku socotey iyo kabaha dacaska oo ay ku rara-gubyoonaysay ayaas siinayey xoog ay ku socoto kuna khasbayey inay tallaabada boobto. Guriga wax la cuno kuma ogayn oo welwel ayaa ka hayey wixii ay caruurta siin lahayd. Habaaska sanka iyo indhaha kaga dhacayey iskama celin karin oo labadii gacmoodba waxay ku haysay jawaanka madaxa u saaran.

Intay sugayeen hooyadood, waxaa caruurta dareenkooda sii kicinayey sanuunad udgoon oo ka soo kaahaysey reerka deriska ah oo aabahood ka shaqeeyo madaxtooyada. Udgoonka sanuunaddaas waa inta keliya ee ka soo gaarta xoolaha dawladda oo waxay ku sii sugaan qadada, gaajaba ha ku kicisee.

Dhegahooda waxaa ku soo dhacayey cod foori u eg oo dabayshu samynaysay marka ay ku dhacdo masaamiirta iyo jiinagdda gurigu ka samysan yahay. Saddexduba waxay indhaha ku hayeen illinka guriga oo ka sugayeen in hooyo mar ka soo muuqato.

Faadumo markay timi, xoogaa ka soo haray khudaartii ay suuqa la aadday iyo digir ay waa hore jawaan ku illowday ayey dabka ku boobtay. In yar ka dib addinkii Casar, ayey degdeg ugu noqotay suuqii bal in ay galabta wax soo hesho.

Maqribkii in yar ka hor ayey haddana soo kacday oo markaan gurigii ma aadine, waxay abbaartay madaxtooyada. Inay madaxweynaha aragto ayey u socotay. Celcelin badan ka dib, waa la sii daayey. Muuqaalada ay arkaysey iyo udgoonka sankeeda ku soo dhacayey mid ay weligeed aragtay ama dareentay maahayn. Waxay hor tagtay madaxweynihii.

Salaan kad ib, waxay tiri “Hooyo…, waxaan kuu wadey mushaharkaaagii!… qaybtii igaga soo beegantay musharkaaga”

Madaxweynihii: “YaaH!”.

Xaajiyo Faadumo: “Maandhoow maalin dhawayd ayaa la ii sheegay in aad annaga noo shaqayso, inaad nabaddeena iyo wanaageenna ka shaqayso, horumarkeenna ka shaqayso, eeddoow war badan ma hayn, waa ku dayacay weligey wax kuma siin, qof annaga noo taagan oo hawlihiisii ka yimi ayaa tahay. Marka waxaan kuu soo qaaday kun shilin oo maanta wixii aan helay aan kaa siinayo…,Haa…,iga cafi wixii hore hooyo…,waxba ma ogayn!”

Madaxweynihii ayaa dib candhuuf u liqay, wuxuu xoog u jiiday neef, cabbaar hadduu aamusnaa oo marna islaanta eegayey, marna hoos eegayey ayuu damcay inuu jawaabo. Haddana hadal ayuu iska waayey. Indhihiisii ayaa god galay oo feker dheer u baxay.

Dhaartiisii habeenkii doorashada ayuu erey erey u soo xasuustay! “Igu wallaahiya…, billaahiya…, danta dadka…”

Waxaa u sawirmay haweenta hor taagan ee uu iyada u shaqeeyo nolosheeda, iyo nolosha uu ku nool yahay kala dheeraantooda. Waxaa u sawirmay dagaalada siyaasadeed ee ugu jiro siduu isaga celin lahaa dadka kursiga ku haysta oo uu hanti badan ku baxshey, iyo qalbi xaarnaanta islaanta hantida uu ku raaxaysanayo bacaadka u fadhida maalin walba.

Wuxuu is yiri guriga aad ku jirto, dharka aad xiran tahay, cuntada aad cuntid iyo hantida aad diyaaradaha iyo hoteelada ku bixiyso waa kunka shilin ee hooyo Faadumo.

Indhihiisa waxaa ku soo joogsatay ilmo. Fekerkii iyo aamuskiina waa ku dheeraadeen.

Xaajiyo Faadumo markay jawaab ka weydey madaxweynihii, ayay miiska u saartay kunkii shilin iyadoo leh “Guulayso hooyo!…, galab walba waxaan awoodo waa kuu keenaya, haddaan soo socon waayana ilmahaan kuugu soo dhiibayaa…, galab walba …, Hooyo. Raalli ha la iga ahaado. Hooyo!”

***Mar kale iyo xusuusin***

Waxaa Qoray: Ismaaciil Diiriye

Hadalsame Media