Turkiga oo qabtay weriyeyaal Ruush ah oo si qarsoodi ah u sawirayey wershad lagu sameeyo daroonnada ugu casrisan dalkaasi + Sawirro

0

(Istanbul) 06 Dis 2020 – Laba weriye oo Ruush ah ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii la arkay iyaga oo si xatooyo ah u sawiraya wershada daroonnada soo saarta oo ku taalla magaalada Istanbul, sida ay booliisku u sheegeen Daily Sabah.

Wershadda sida sharci darrada ah loo duubayey ayaa ah middka Baykar, iyadoo ay labada nin galeen qayb ay mamnuuc tahay in la sawiro ama la duubo, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Barasaabka Istanbul.

Nimankan la xirey ayaa waqtiga la hayn karo kahor inta aan la maxkamadaynin waxaa lagu kordhiyey 3 maalmood oo kale, si xogo badan kiiskooda looga ogaado.

Baykar, oo la asaasay 1984-kii, waa shirkadda ugu wayn ee Turkiga ugu haysata dayuuradaha is wada ee daroonka noocyada dagaalka iyo kuwa madaniga ahba, waxay kaloo farsamaysaa hannaanada wax lagala socdo (control systems), qalabka lagu barto wadista dayuuradaha iyo walxaha loo adeegsado dayuuradaha iyo cirka.

Waa dayuuradda sameeysay daroonnada (UAV) uu Turkigu haatan guulaha uga soo hooyey dalal fara badan sida Suuriya, Libya iyo dagaalkii Nagorno-Karabakh, kuwaasoo durba soo jiitey dalalka sida istaraatijiga ah ula loollama Turkiga oo uu dabcan Ruushku ka mid yahay.

Lama oga inay nimankani weriyeyaal yihiin iyo inay yihiin basaasyo isku qarinaya weriyenimada.

Hadalsame Media