Muxuu xalay sameeyey Eriksen kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii Inter Milan & Bologna

0

(Milano) 06 Dis 2020 – Laacibka reer Denmark ee Christian Eriksen ayaa la sheegayaa in xalay aanu la dabaaldegin kooxda Inter oo 3-1 dirtay kooxda Bologna, isagoo taa biddaalkeeda gudaha cararay kaddib markii la dhameeyey ciyaarta oo uu ka dheeley wax ka yar 3 daqiiqadood.

Laacibkan oo Inter Milan kusoo biiray Jannaayo 2020 ayaa kaliya u dhaliyey 4 gool iyo 3 kale oo uu dhigay 36 kulan oo uu saftay, balse waxay isku wareersan yihiin macallin Antonio Conte oo lagu tilmaamo mid bakhiil ah marka la eego sida uu ula dhaqmo laacibiinta aysan is fahmin.

Laacibkan oo 10 kulan oo qura saftay fasalkan tartamada oo idil, laguna wado inuu suuq jiilaalka kooxdiisa iskaga tago ayuu Antonio Conte soo geliyey ciyaartii ay Inter xalay 3-1 ku badisay, taasoo ay taageerayaasha ciyaaruhu ku tilmaameen bahdil aan loo baahnayn.

“Eriksen markiiba toos ayuu u aadey qolkiisa lebiska umana dabaal degin guushii xalay,” ayuu yiri Federico Balzaretti, oo haatan kubad falanqeeye ka ah hilinka DAZN, isagoo taa ku tilmaamay inuu laacibku si aad ah u gubanayo oo u caraysan yahay, waloow uu xirfadlenimo muujiyey oo uu ciyaarta soo galay, taasoo uu ku tilmaamay mid bandhiggiisa wax ka bedeli karta.

Hadalsame Media