Masaafada laga jaray dhererka xeebta dalka oo meel la waafajiyo la la’yahay taasoo muujinaysa hal arrin

0

(Hadalsame) 06 Dis 2020 – Wasaaradda Waxbarashada Somalia ayaa shallaay ka muujisay khalad fadeexad ah oo lagu arkay buugga juqraafiga ah ee fasalka ugu dambeeya Dugsiga Sare (Form Four), kaasoo xeebta dalka laga soo gaabiyey 3,333KM lagana dhigay 2,800KM.

Yeelkeede, dad badan ayaa is waydiinaya sida ay ku dhici karto in ay dowlad dhami daabacdo buug sidaa xasaasi u ah oo loo dhigayo malaayiin arday Soomaaliyeed ah ee aan misna tifaftir la marsiinin.

Waxaa dheer markii ay Wasaaraddu ka fal celinaysey arrintan fadeexiga ah waxay ballan qaadday inay sixi doonto cadadyada kale ee soo socda, balse ma ballan qaadin inay midkan khaldan suuqa ka saari doonto, taasoo iyana ah khalad kale oo maamul.

Arrintan yaraynta dhererka xadka ayay dadku markiiba u fasirteen mid dadka lagu sii aqbalsiinayo sheegashada Kenya, balse xitaa haddii Kenya la siiyo dhul-badeedka ay sheeganayso taasi dhimi mayso dhererka xeebta Somalia, haddii xitaa la xisaabo dhererka xeebta Jubbada Hoose na waa  3,025 oo km.

Haddii dhanka Somaliland oo sheegata inay Somalia ka go’day la aado, iyaduna waafiqi mayso, waayo Somaliland xeebta ay sheeganaysaa waa 850 km, sidaa darteed, cid fahmi kartaa ma jirto, haddii ay sidani tahay khalad iska dhacay ee aan la sixinna waaba ceeb, dayacaad iyo habacsanaan mas’uuliyadeed oo aad u ballaaran.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media