”Somalia waxaan uga tagnay Shiinaha & Al Qaacida!” – Tillaabada uu Maraykanku qaaday oo cambaarayn la kulmaysa

0

(Washington, DC) 05 Dis 2020 – Xarunta Pentagon ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay ciidamadooda kala soo baxayaan Somalia, taasoo ka tarjumaysa amarka MW Donald Trump, oo sida la yiri doonaya inuu yareeyo doorka caalamiga ah ee Ciidamada Maraykanka maalmaha yar ee xilka uga harsan.

Tillaabadan ayaa loo arkayaa mid uun ka tarjumaysa siyaasadda aan la saadaalin karin ee Trump iyadoo la fahamsan yahay in aanay istaraatiji ahaan noqon karin mid uu Maraykanku kusii socon doono mustaqbalka dhow, waxaana aragtidaa ka dhawaajiyey Abaanduulka Ciidamada Jen. Mark Milley, oo sheegay in qaab-dhismeedka joogitaanka Ciidamada Maraykanka ee Somalia ay weli tahay arrin doodi ka joogto oo aan dhamaan.

FILE - In this Sept. 22, 2020, file photo Joint Chiefs Chairman Gen. Mark Milley listens before a meeting with Secretary of…
Sawirka Abaanduulka Ciidanka Maraykanka Jen. Mark Milley oo dhegeysanaya shir 22-kii Sebt. ka dhacay xarunta Pentagon ee Washington DC

Yeelkeede, Jim Langevin, oo ah Dimoqraadi kasoo gala Gobolla Rhode Island, ayaa si wayn u cambaareeyey tillaabada Trump oo sheegay in Somalia loo “gacan gelinayo al-Qaida isla markaana haddiyad ahaan loo siinayo China.”

Langevin ayaan ahayn nin sahlan waayo wuxuu ka tirsan Guddi Hoosaadka Arrimaha Ciidamada, Sirdoonka iyo Halisaha soo Wajahan ugu qaybsan Koongarayska, gaar ahaan Aqalka Hoose ee Wakiillada.

“Marka ay Ciidamada Maraykanku ka baxaan Somalia waxaa marka la eego dunida maanta diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada gargaarka ee Maraykanka ah ku adkaanaysa inay dadka caawiyaan ama ka qayb qaataan xallinta khilaafaadka iyagoo aan dhibaato la kulmin amaba aan la dilin,” ayuu yiri Langevin.

Wuxuu sheegay in ka bixitaanka Somalia xilli ay doorasho kusoo socoto, isla markaana ay dagaallo ka socdaan Itoobiya, ay tahay xilligii ugu xumaa ee aannu ”saaxiibadeen cidlayn lahayn”, sida uu yiri.

Langevin ayaa ka digey in Shiinuhu uu arrintan u adeegsan doono tillaabo uu ku dhiso saamaynta uu ku leeyahay dalkan dhaca Geeska Afrika oo ah gobol istaraatiji ah, waloow ay Pentagon horay u sheegeen in bixitaankani aanu hakin doonin la dagaallanka argagixisada.

FILE - In this Jan. 3, 2019, file photo, Rep. Jim Langevin, D-R.I., prepares the dais after he was chosen as Speaker pro…
Jim Langevin, oo ah Dimoqraadi kasoo gala Gobolla Rhode Island
Hadalsame Media