Arrinta ku saabsan Guddiga Doorashada ee lagu muransan yahay oo xallinteeda si khaldan loo wajahayo

0

(Muqdisho) 05 Dis 2020 – Waxaa weli taagan doodda ka oogan Guddiga Doorashada oo markii la eego xeerka lagu hirgeliyo doorashooyinka dimoqraadiga ah la isku raacsan yahay inay wax ka khaldan yihiin, marka lagu eego indho moowduuci ah.

Waxaa ragga arrintaa aadka u diiddan ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka ugu sarreeya dalka, waxaa sidoo kale qaab caga jiid ah ku wajahaysa Madaxtooyada Dalka oo arrintan aan weli ur u bixin.

HADDABA MAXAA KHALDAN? Waxaa muuqata in waqti lagu luminayo meelo aan ahayn halka ay tahay in arrinta laga abbaaro.

Tusaale ahaan, musharrixiinta oo marka laga soo tago in aanu jirin qorshe siyaasadeed oo ka dhexeeya ayaa soo saaraya go’aamo siyaasadeed oo ay qaab ashaamud ah iskugu darsadeen, balse aan ka tarjumaynin waxa uu qof kastaahi aaminsan yahay, balse uu ninba wixii uu aaminsan yahay ku dhex darsanayo.

Taa biddaalkeeda, waxaa loo baahan yahay in maadaama aysan isku aragti ahayn, isla markaana diidmada Guddiga Doorashadu ay tahay mas’alo farsamo ee aanay ahayn mid siyaasadeed, ay ku dedaalaan sidii guddigaa loo bedeli lahaa, balse aanay ku mashquulin soo saarista go’aamo siyaasadeed, maadaama aysan xisbi ahayn.

Dhanka Madaxtooyada oo haatan la hadal hayo inuu MW Farmaajo doonayo inuu musharrixiinta la kulmo ayay iyaduna tahay cudur kale oo fardaha haya balse dameero laga gubayo, sababtuna waxay tahay in aan loo baahnayn kulamo siyaasadeed oo waqti hor leh lumiya, maadaama horay loogu heshiiyey hab-raaca doorashada, balse kaliya loo baahan yahay in laga saxo wixii ka khaldan ee aan waafaqsanayn qaabka ay u shaqeeyaan doorashooyinka madaxa bannaan oo aysan ahayn inuu faraha la galo maamulka markaa xilka haya ama meesha laga saaro wixii keenaya dano is diiddan (Conflict of interest).

Sidoo kale, haddii ay musharrixiintu aqbalaan kulan ay la galaan Madaxtooyada laftoodu waxay ogolaanayaan madadaalo hor leh oo uu waqti kusii lumo, marka musharrixiinta & madaxda DF waa inaysan umadda waqtiga uga khasaarin qisadii Caraweelo ee ”maalinba hal far la mayrayey” ee horay loo socdo oo umadda looga faa’iideeyo inta ay haba yaraatee diyaar tahay taageero caalami ah.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media