Tigreega oo ay Maqalla maanta ku haysato mashaqo ay Muqdisho ka sameeyeen 15 sanadood kahor + Sawirro

0

(Maqalla) 04 Dis 2020 – Markii uu sii haamaansanayey sanadkii 2006-dii waxaa Muqdisho soo galay Ciidamo Itoobiyaan ahaa oo uu soo diray RW Meles Zenawi oo kasoo jeeda qoowmiyadda Tigreega, waxaana ciidamadaa oo dhibaatooyin waawayn gaystey sidoo kale la socdey malliishiyaad aan wax anshax iyo insaaniyad ah lahayn oo dhibaato mood iyo noolba gaystey.

Waxaa dadka xilligaas ganacsiyada iyo shirkadaha Muqdisho hanti fara badan xoog iyo xeeladba uga qaatay jeneraallo Tigree u badnaa oo sida lagu sheegay dokumenteri laga baahiyey Channel 4, iyagu xitaa yeerin jirey howl-maalmeedka dowladdii markaa jirtey oo aysan xurmo badan siin jirin.

Maanta ku dhowaad 15 sanadood kaddib, waxaa senaariyo noocaas oo kale ah laga soo sheegayaa magaalo aad ugu wayn quluubta Tigreega oo ah Maqalla.

Sida uu Hadalsame warka ku helayo waxaa la sheegayaa in malliishiyaad u badan qoowmiyadda ay Tigreega coltamaan ee Amxaarada oo la socda Ciidanka DF Itoobiya, ay bilaabeen inay farataystaan meheradaha iyo ganacsiyada laga kala cararay ama dagaallada ku xirmey, iyagoo sidoo kale tacaalooyin u gaysanaya shacabka.

Waxaa ay sidoo kale sheegayaan in baadda iyo bililiqada ay qayb ka yihiin ciidamo Eritrean ah oo ka dhinac dagaallamaya kuwa Itoobiya, balse lama hubo eeddaas.

Dadka Tigreega ee weli meesha ku haray ayaa la sheegay inay jidadka magaalada meelaha qaar ka gooyeen iyagoo ka xun dhibaatada lagula kacayo iyaga oo ciirsi iyo ceel la’aan ah oo aan u saamayn badnayn sidii hore.

Hadalsame Media