Qarreen qalaad oo qalin ku xaday malaayiin doollar oo ay Somalia leedahay (Siyaasiyiin Soomaali ah oo qorshaha kula jiri karta)

0

(Bethesda, Maryland) 04 Dis 2020 – Qarreen reer Maryland ah ayaa lagu haystaa inuu qaab musuq ah Somalia uga leexsaday adduun lacageed oo dhan $12.5 milyan oo doollar oo laga bixiyey hanti ay leedahay Somalia, halka uu kumannaan kale ka helay sharikad sharci oo iyaduna haysata lacag dhan $3 milyan oo doollar oo ay Somalia ka dhacday.

Garsoore federaal ayaa qarreen Jeremy Wyeth Schulman, 45-jir, oo reer Bethesda ah, wuxuu ku haystaa eedo iskugu jira wax is dhaaf dhaafin, khiyaano e-mail, mid bangi iyo lacag tahriibin.

Schulman ayaa la sheegay in ay malaayiin doollar qaab musuq ah uga qaateen Bankiga Dhexe ee Somalia iyadoo ay lacagtani ahayd mid ku jirtey khasnado balse la fariisiyey kaddib markii ay bilowdeen dagaallada sokeeye, waana ilaa 11 khasnadood.

Schulman ayaa la sheegay inuu soo sameeystay dokumentiyo been abuur ah oo uu ku hantiyey furaha khasnadahan ay Somalia leedahay intii u dhaxaysey 2010 ilaa 2014, balse mid ka mid ah qarreennada u doodaya Schulman ayaa sheegaya in Waaxda Cadaaladda Maraykanku ay ku socoto “xog khaldan” oo aanay si wanaagsan wax usoo baarin.

Shirkadda iyaduna leexsatay 3-da milyan weli lama magacaabin, waxaan kale oo la ogayn in arrintan ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin ama ashkhaas Soomaaliyeed iyo in kale, waayo Schulman wuxuu galaangal la yeeshay DF Somalia oo uu kala qayb qaatay baaritaanno badan oo maaliyadeed oo ay soo rogeen kooxda QM ugu qaybsan la socoshada Somalia iyo Eritrea.

Sidoo kale, uma badna in nin qalaad oo qarreen ihi uu xog la’aan kaligii iska allifo inuu tillaabadan qaado, waloow ay dhici karto, misna waa la arki doonaa halka ay ku dhamaato.

Hadalsame Media