Dowladda UK oo sheegtay goorta & cidda lagu bilaabayo tallaalka Covid-19 (Goorma ayaa laga heli karaa Sweden & Midowga Yurub?)

0

(London) 04 Dis 2020 – Waxaa jirta cabsi ah in Britain aanay heli doonin kuurooyin cusub oo ah tallaalka ay diyaarisay Pfizer/BioNTech ee coronavirus kahor sanadka cusub, taasoo keentay in howlwadeennada NHS ay safka hoos uga dhacaan iyadoo la hor marinayo dadka waayeelka ah ee ku nool xarumaha xannaanada waayeelka.

Tallaalka oo UK gaarey isagoo ku shixnadan gawaari waawayn ayaa lagu wadaa in halkaa laga bilaabo muddo todobaad gudihii ah, iyadoo la sheegay in Dowladda UK ay qaar badan oo ka tirsan gawaaridaa ay si qarsoodi ah uga gudbisey dusmada Eurotunnel ee isku xirta Faransiiska iyo jasiiradda England.

Dowladda UK ayaa xalay sheegtay in ay malaayiin kuuro oo kale ay jidka kusoo jiraan, balse ay iminka qaybin karto kala bar ka mid ah 100 milyan oo kuuro oo tallaal ah oo uu qorshuhu ahaa in la qaybiyo inta uu socdo sanadkan 2020-ku, sababo cillad dhanka saanadda ah.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay go’aan ka gaarto tallaal ay diyaarisay Pfizer/Biontech oo ay MY ka iibinayso Moderna, iyadoo ay go’aanka qaadanayso EMA ee ku qaybsan arrimaha dawooyinka oo go’aanka laga sugayo 29-ka bishan Diseembar.

Marka uu go’aankani soo boxo waxaa Sweden ugu qaybsan hay’adda FHM, taasoo u qaybin doonta gobollada dalka, waxaana lagu wadaa inay shixnaddu diyaar noqoto kaddib Ciidda Masiixiga sida maalmaha hore ee bisha Jannaayo.

”Isla marka aannu helno horay ayaan ka bilaabaynaa.” ayuu yiri Sören Andersson, madaxa qaybta tallaalka ee Hay’adda Daryeelka Caafimaadka Dadwaynaha.

Hadalsame Media