XOG: Sucuudiga & Qadar oo qarka u saaran inay xiriirkooda soo ceshadaan (Imaaraadka, Masar & Baxrayn oo…)

0

(Riyaad) 03 Dis 2020 – Dalalka Qadar iyo Sucuudiga ayaa qarka u saaran inay si rasmi ah usoo ceshadaan xiriirkoodii go’ay muddo haatan 3 sanadood laga joogo, sida ay weriyey Al Jazeera oo ay leedahay isla Dowladda Qadar.

Labada dal ayaa “aad ugu dhow inay gaaraan heshiis hordhac ah,” kaasoo sida ay Al Jazeera faafisay uu gacan ka gaystey la taliyaha Donald Trump ee Jared Kushner oo hoggaaminayey wefdi kooban, waxayna doonayaan inay soo celiyaan xiriirka kahor inta aanay xilka ka degin bisha Jannaayo.

Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ayaa xiriirka is halhaleel ah ugu jaray dalka Qadar 2017-kii, iyagoo ku maagay inay argagixisada naas nuujiso sidii ay ku doodeen, taasoo ay diiddey Qadar.

Qadar ayaa loo jeediyey dalab 13 qodob ka koobnaa si xiriirka loo soo celiyo, waxaana ka mid ahayd in la xiro Al Jazeera, inay jarto xiriirka Ikhwaanka iyo xirista saldhigga Turkiga.

Bloomberg News ayaa qoraya in xiriirka marka lasoo celiyo dib loo furayo hawada iyo xadka Qadar, waxaa sidoo kale la joojinayaa dagaalka dhanka warbaahinta ee labada dhinac.

Yeelkeede, Bloomberg ayaa sheegay in heshiiskan aanay qayb ka ahayn dalalka Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar, kuwaasoo ku doodaya inaysan Qadar la xiriiraynin ilaa ay xiriirka u jarto Iiraan.

Ha yeeshee, Sucuudiga ayaa dalalkan uga muhiimsan Qadar maadaama 3-da kale marka laga soo tago Masar ay dhul aad u yar ku fadhiyaan, marka wax laga eego dayuuradaha Qadar Airways oo dhib wayn kala kulmay hawada Sucuudiga oo laga xirtey.

Hadalsame Media