”Xiriirka Qadar & Khaliijka waxaa lagu hagaajin karaa saacado gudohood” – Sucuudiga oo mowqif debecsan istaagey

0

(New York) 02 Did 2020 – Xiisadda iminka ka dhex taagan Qadar iyo dhowr dal oo Khaliijka u badan ayaa la sheegayaa in lagu dhamayn karo ”24 saacadood gudohood”, sida uu sheegay ninka QM u fadhiya Sucuudiga Carbeed, Abdullah Bin Yahya Al-Mouallimi.

“Haddii ay Qadar ka noqoto mawaaqifteedii hore, ay joojiso taageerada argagixisada, ay joojiso lacagaha ay siiso warbaahinta xag-jirka, ayna hakiso faragelinta arrimaha gudaha dalalka Carbeed, xiriirka Qadar iyo Khaliijku wuxuu hagaagayaa saacado gudohood.” ayuu yiri Al-Mouallimi oo la hadlayey Russia Today (RT).

Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn oo Khaliijka ah iyo Masar ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed  si halhaleel ah ugu jaray Qadar 2017-kii, iyagoo Dooxa ku eedeeyey inay naas nuujiso argagixisada.

Qadar ayaa iska diiddey eedaymahaa, balse warka haatan kasoo yeerey Sucuudiga ayaa ka debecsan midkii hore, waloow uu laftiisu isku jir yahay oo uu fasiraad kale yeelan karo, waxaana la fahamsan yahay in debaca ku yimid siyaasadda Sucuudiga oo sidoo kale la fariistay Turkigu uu salka ku hayo isbedelka ku dhacay maamulka Maraykanka oo uu meesha kaga baxay Trump oo aan arrimahan mas’uuliyad iska saaraynin, labada dhinacna kala maalayey.

Hadalsame Media