(London) 02 Dis 2020 – Gawaari waawayn oo lagu wado malaayiin kuuro oo ah tallaalka Covid-19 ee ay diyaariyeen Pfizer/BioNTech ayaa kusii socda UK kaddib markii ogolaansho laga helay dowladda Britain, waloow uu weli jahawareer ka taagan yahay cidda lagu bilaabayo.
Waxaa tallaalkan gawaari waawayn oo ay qaboojiyaal ku xiran yihiin kasoo gurayaan bakhaarrada wershadaha Pfizer ee Belgium saacado uun kaddib markii ay rukhsadda siisay hay’adda sharciyaynta dawooyinka ee MHRA, taasoo UK ka dhigaysa dalkii ugu horreeyey ee ogolaada tallaalka Covid-19.
Kuurooyinka ayaa lagu wadaa inay berri gaaraan dalka UK, iyadoo uu Wasiirka Caafimaadka UK, Matt Hancock, uu haatan sheegayo in dhamaadkii cudurkani uu hadda soo ”muuqdo”.
RW Boris Johnson ayaa isna sheegay in tallaalkani uu dadka u saamaxayo inay dib u helaan noloshoodii caadiga ahayd, waloow uu sheegay inay weli waqti qaadan karto in tallaalku uu dadka wada gaaro.