”Waa inaan u tashannaa Turkiga!” – Machad sheegay in wixii ay daroonnada Turkigu ku dhigeen Armenia ay ku dhici doonaan dal kasta oo Yurub ah

0
The Bayraktar TB2 drone is pictured on December 16, 2019 at Gecitkale Airport in Famagusta in the self-proclaimed Turkish Republic of Northern Cyprus (TRNC). - The Turkish military drone was delivered to northern Cyprus today amid growing tensions over Turkey's deal with Libya that extended its claims to the gas-rich eastern Mediterranean. The Bayraktar TB2 drone landed in Gecitkale Airport in Famagusta around 0700 GMT, an AFP correspondent said, after the breakaway northern Cyprus government approved the use of the airport for unmanned aerial vehicles. It followed a deal signed last month between Libya and Turkey that could prove crucial in the scramble for recently discovered gas reserves in the eastern Mediterranean. (Photo by Birol BEBEK / AFP) (Photo by BIROL BEBEK/AFP via Getty Images)

(Brusells) 02 Dis 2020 – Guulaha isa soo taraya ee daroonnada Turkiga ayaa waxay ka nixiyeen dalal badan oo reer Galbeed ah, iyadoo kaddib dagaalkii ugu dambeeyey ee Azerbaijan ku guulaysatey iyadoo adeegsanaysa daroonnada casriga ah ee Turkiga ay arrintaasi soo noqotay.

”Yurub waa inay ka welwelshaa daroonnada Turkiga, isla markaana waa inay eegtaa dookhyadeeda,” ayaa ka mid ahayd warbixin DIGNIIN ah oo kasoo baxday Golaha Yurub ee Xiriirka Caalamiga ah (ECFR).

Lafa-gurkan oo uu qoray Gustav Gressel, wuxuu ku sheegay in guusha Azerbaijan ay ka gaartey Armenia oo ka haysatey Nagorno-Karabakh ay cashar wayn u tahay “waxa ay tahay inay Yurub iska difaacdo”.

Dagaalkan oo qaatay 44-maalmood waxaa Armenia gaarey jug wayn oo ay uga dhinteen kumannaan askari looga burburiyey gaadiid iyo agab ciidan, waxaana guushaa asaas u ahaa dayuuradaha aragga gorgor leh ee Turkigu sameeyo, kuwaasoo Ciidanka Azerbaijan siiyey sarrayn istaraatiji ah bilowgiiba.

Ciidanka Azerbaijan oo guuldarrooyin xiriir ahaa gaarsiinayey kuwa Armenia ayaa markii dambe qabsaday magaalada istaraatijiga ah ee Shusha taasoo keentay in Armenia ay is dhiibto 9-kii Nofeembar, iyadoo haatan ka baxday inta badan gobolkii la isku haystey.

Gressel ayaa sheegay in dagaalkan aan loo arkin mid u dhexeeyey laba dal oo faqri ah balse ay tahay in ay “Yurub iska warsato halista ka imanaysa daroonnada Turkiga ee guusha u horseeday Azerbaijan, taasoo ku dhici doonta xitaa ciidamada kale ee Yurub”.

Turkiga oo intii uu dagaalku socdey ay Canada ka joojisey ka iibinta bikaacyada ay wax ku arkaan daroonnadu, ayaa markiiba soo saaray kuwo maxalli ah oo uu isagu farsameeyey, waxaana muuqata in Turkiga oo ay daroonnadiisu sidoo kale ay wacdaro ka dhigeen Suuriya, Ciraaq iyo Libya ay isha ku hayaan Galbeedka iyo Israel.

Dalalkan ayaa diiddan in Turkigu uu tiknolojiyaddiisa isagu adeegsado ama uu u gudbiyo dalalka kale ee Muslimka ah ee aan lahayn awoodaha noocan ah, taasoo ay halis istaraatiji ah markasta u arkaan Galbeedku.

Hadalsame Media