Ruushanka oo Turkiga ka iibsanaya agab guur guura oo lid-daroon ah & dalal kale oo ka dalbaday + Sawirro

0

(Ankara) 02 Dis 2020 – Sharikad deggan koonfurta Turkey oo samaysay qalab digniin horaad ka bixinaya halista daroonnada (UAV) kaasoo ay hadda isticmaalaan Ciidanka Xoogga Turkiga (TSK), ayaa haatan agabkaa ka iibinaysa dalka Ruushka.

Shirkadda National War Technologies Defense Systems Inc., oo deggan koonfurta Gobolka Antalya, ayaa samaysay hannaanka guurguura ee ka diga daroonnada ee KALKA.

Hannaanka lidka daroon ah oo horraanba ay ku qalabaysan yihiin Ciidanka lugta ee Turkiga, ayaa sidoo kale soo jiitey dalal dibedda ah, waxaana haatan laga iibinayaa dalkii qalaad ee ugu horreeyey waana shirkad gaar ah oo Ruushan ah.

Bekir Yalçın, oo dhanka daraasaadka ugu qaybsan R&D ayaa Anadolu Agency (AA) u sheegay in qalabkani uu ka hortegayo daroonnada ay adeegsadaan kooxaha fuliya dembiyada abaabulan, argagixisada, iyo waxyaabaha mamnuuca ah.

Wuxuu sheegay in lidkan daroon oo ku “rakiban gaari marba meel la gayn karo,” si uu daroonnada uga digo gaadiidka dhulka maraya, uu yahay mid gebi ahaanba ay Turkigu farsameeyeen, sida uu Yalçın sheegay.

Wuxuu sheegay in KALKA si wadareed haatan loosoo saarayo, waxaana durba dalbaday dalal kala duwan sida Ruushka, Sri Lanka, Bangladesh, Malaysia, Qatar, Pakistan, Afghanistan iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa Ruushka shixnadda 1-aad loo daabulayaa dhamaadka isla sanadkan, isagoo sheegay in wershadaha agabka ciidanka ee Turkigu ay samaynayaan horumar laxaad leh, iyadoo ay shirkaddani qalabkan u adeegsan doonto inay gawaarideeda ku ilaashato.

Hadalsame Media