Amiiro Mako oo laga xayuubinayo maqaamka boqortooyo ee Japan & sababta

0

(Tokyo) 01 Did 2020 – Dhaxal-sugaha dalka Japan ee Prince Fumihito ayaa sheegay inuu “fasaxay” in ay gabadhiisu horay ugu socoto guurkii mudada dheer la baajinayey ee ay gabadhiisu ku doonaysey inay is guursadaan wiil ay jaamacadda isla dhigtaan.

Amiiro Mako ayaa 2018-kii loo hadal hayey in ay ku faraq xirato Kei Komuro oo aan shuqul ku lahayn boqortooyada dalkaasi kaasoo ay is doonteen 2017-kii, kaddib markii ay kacday dood ka timid dhanka qoyska oo aan jeclayn in ay is guursadaan dadka ka baxsan xayndaabka boqortooyada.

Weli ma cadda goorta ay lamaanahan oo wada 29-jir ihi, ay qabsan doonaan munaasabaddooda. Princess Mako, oo ah gabadha ugu yar Prince Fumihito iyo Princess Kiko, ayaase laga xayuubin doonaa maqaamka boqortooyo marka ay guursato Mr Komuro.

Japan oo ah Boqortooyo Dastuuri ah ayaa waxaa dastuuriyan u dhigan in qofku uu rabitaankiisa ku guursan karo qofkii uu doono.

Mr Komuro, ayaa haatan dhigata Kulliyadda Sharciga ee Fordham University ee New York.

Hadalsame Media