Wixii uu Alvaro Morata xalay ku yiri garsoore Pasqua oo la kashifay

0

(Torino) 29 Nof 2020 – Alvaro Morata ayaa rooso la laqsiiyey dhamaadkii ciyaartii Benevento-Juventus oo 1-1 ku dhamaatay, balse hilinka Sky Sport ayaa kashifay waxa uu ahaa hadalka uu garsooraha ku yiri laacibka Spanish-ka.

Isla Morata ayaa ahaa midkii goolka u bilaabay ciyaartii Ciro Virgorito balse kooxda Filippo Inzaghi ayaa uga daba keentay gool uu dhaliyey Gaetano Letizia.

Juventus ayaa sidoo kale aad u hollineeysey inay markale ciyaarta hoggaanka u qabato gelinkii 2-aad ee ciyaarta, iyadoo uu Morata doonayey in rigoore loo dhigo dhamaadkii ciyaarta.

Fabrizio Pasqua oo aan rigoorahaa dhigin ayuu markii ay ciyaartu dhamaatay wuxuu Morata ku yiri, sida uu qaboSky Sport: “Kaasi wuxuu ahaa rigoore yax yax leh.”

Morata ayaa hadda maqnaan doona ugu yaraan hal kulan isagoo seegaya kulanka derby Torino oo ay Granata kula yeelanayaan Allianz Stadium.

Hadalsame Media