Laacibkii reer Senegal ee Papa Bouba Diop oo geeriyoodey kaddib markii…

0

(Dakar) 29 Nof 2020 – Laacibkii hore ee Papa Bouba Diop ayaa geeriyoodey isaga oo 42-jir uun ah, sida naga soo gaaraysa dalka Senegal kaddib sanado badan oo uu dhul yaal ahaa.

Bouba Diop ayaa qayb ka ahaa xulkii Senegal ee wacdaraha ka dhigay KA2002 oo uu 8-dhamaadka gaarey, wuxuuna ahaa ninka dhaliyey goolkii madiga ahaa ee ay 1-0 uga adkaadeen Faransiiska ciyaartii furitaanka.

Diop oo 63 kulan u saftay xulkiisa ayaa sidoo kale 7 sanad ciyaareed ka dheelayey Ingiriirska iyo  Premier League isagoo u saftay Fulham, West Ham iyo Portsmouth oo uu FA Cup la qaaday 2008.

Wuxuu waayihiisa ku bilaabay kooxda Senegalese-ka ah ee ASC Diaraf sanaddii 1996-kii isagoo usoo dheeley kooxaha Switzerland sida Vevey, Neuchatel Xamax iyo Grasshoppers. Wuxuu u wareegey Lens in 2002 taasoo uu u dhaafay Fulham 2004.

Bouba Diop, oo ahaa nin aad u dheer oo 6ft 5″ ah ayaa lagu yaqaanney kubaddaha uu kasoo toogto khadka dhexe.

Hadalsame Media