AC Milan oo hoggaanka dheereeysey jeer ay dhigtay rikoodh cusub + Sawirro

0

(Milano) 29 Nof 2020 – AC Milan ayaa hoggaanka dheereeysatay kaddib markii 2-0 meel iskaga dhigtay kooxda Fiorentina iyadoo ay goolasha u kala dhaliyeen Alessio Romagnoli iyo Franck Kessie, waloow uu Bartlomiej Dragowski uu Milan ka qabtay rigoore 3-aad.

Daqiiqaddii 10-aad ayaa ciyaarta la hakiyey si loo maamuuso arbihii kubadda cagta ee Diego Armando Maradona oo geeriyoodey.

Kooxda Milan oo Khamiistii 1-1 Europa League kula gashay kooxda Lille, ayaa waxaa ka maqnaa Zlatan Ibrahimovic, Rafale Leao, Ismael Bennacer iyo Samu Castillejo, iyo xitaa macallin Stefano Pioli oo uu helay COVID, waxaana bedeley Brahim Diaz iyo Sandro Tonali.

AC Milan oo haatan 5 dhibcood oo nadiif ah horyaalka ku wadda ayaa goolal dhalinaysey 29 kulan oo xiriir ah waana markii ugu horreeysey ee ay sidaasi dhacdo tan iyo Diseembar 1972-kii ilaa 1973-kii.

AC Milan ayaa sidoo kale markii ugu horreeysey taariikhda 23 dhibcood jeebka gashatay kaddib 9 kulan, tan iyo markii la hirgeliyey nidaamka 3-da dhibcood.

Macallin Pioli ayaa muuqaalka la iska arko kooxda ugu hambalyeey kaddib guushii galabta ee muhimka ahayd.

Hadalsame Media