Yaa khaarajiyey Dr Mohsen? Muuqaal caddaynaya ciddii isha ku haysey oo soo baxay (Imisa saynisyahan ayaa Iiraan laga diley 10-kii sano ee u dambeeyey?)

0

(Tehraan) 28 Nof 2020 – Israel ayaa la sheegay inay “door” ku lahayd weerarkii shalay lagu khaarajiyey caalimkii nukliyeerka Iiraan ee Mohsen Fakhrizadeh, kaasoo lagu diley meel u dhow magaalada Tehraan oo la yiraahdo Absard City, sida uu sheegay WAD dalkaasi, Javad Zarif.

Zarif ayaa soo tweet gareeyey in caalimkaasi “ay dileen argagixiso” isagoo sheegay inay jiraan waxyaabo “si xooggan u muujinaya” in Tel Aviv ay door ku leedahay waqcaddan, waloow aanu keenin caddaymo moowduuci ah.

Arrintani ma aha eed oo qura, waayo waxaa jirta in 2018-kii uu RW Israel uu si cad u magacaabay Dr Mohsen oo uu ku tilmaamay maskaxda ka dambaysa nukliyeerka Iiraan. Halkan hoose ka daawo…

Wasiirka ayaa Midowga Yurub oo uu munaafaqnimo ”halis ah” ku eedeeyey usoo jeediyey inay falkan cambaareeyaan.

Dalka Iraan ayaa 5 saynisyahan oo dhanka nukliyeerka ah laga diley muddo 10 sanadood ah, kuwaasoo 4 ka mid ah lagu diley walxo qarxa oo gawaari loogu xirey, halka kan kale caadi loo xabadeeyey, qaar kalena waa ka badbaadeen falka kharaajinta ah.

Mohsen ayaa waxaa la iskugu daray weerar qarax ah iyo xabadayn caadi ah oo lagu laayey ilaaladiisii, kaddib markii gaari lagu dhuftay gaarigiisa.

Hadalsame Media