Ololayn uu Guddoonka Gobolka Banaadir ka sameeyey meel aan u dheerayn meeshii la qarxiyey oo lala yaabban yahay

0

(Muqdisho) 28 Nof 2020 – Waxaan goor dhow daawaday banaanbax saakay lagu qabtay Isgoyska No4, oo aan wax badan u jirin maqaayaddii habeen hore lagu laayay dhalinyada kuwa kalena lagu dhaawacay.

Waxaa banaanbaxa iiga dhex muuqday Gudoomiyaha Gobolka banaadir oo gaari dushiisa saaran, waxeyna dadka banaanbaxa ka qeyb qaadanaya oo ah dad laga kala keenay degmooyinka siteen boorar uu ku xardhan yahay Sawirka Madaxweynaha.

Waan sii dhegeystay oo hadalka Gudoomiyaha wuxuu u badnaa taageero loo muujinayo Madaxda Dowlada gaar ahaan Madaxweynaha, inkastoo uu hadalka ku dhex milayey in isu soo baxaani uu yahay md ay dadku si iskood ah u soo abaabuleen ayna ku muujinayaan sida ay u rabaan in la helo mataaladda siyaasadeed ee G/banaadir,

Intaanan wada daawan ayaan is weydiiyay dhowr su’aalood:-

– Waa maxay sababta goobtaan oo meydkii xalay ku dhintay aan weli la aasin loogu qabtay banaanbax madaxda lagu taageerayo.?
– Maxaa looga banaanbixi waayay falkii foosha xumaa,ama ugu yaraana loo cambaareyn waayay kuwii geystay.?
– Gudoomiyaha Gobolka iyo maamulkiisu ma ka qeybgaleen Aaska Allaha u wada naxariistee Marxuumiintii xalay la xasuuqay oo saakay lagu aasay Muqdisho.

Kolleey anigu arrinkaa xaraf kama garan, intaana uma dhaafayee, bal wixii khaldan ciddii igu war dhaanta hannala wadaagto. Mahadsanidiin

Maxaa yaab isdabayaal.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media