Ninkii dadka ku laayey masjid ku yaalla Quebec oo xukunkiisa la dhimay (Muslimiinta Canada oo ka xumaaday)

0

(Quebec) 28 Nof 2020 – Maxkamadda Rafcaanka Canada ayaa sheegtay in xukunkii lagu ridey Alexandre Bissonnette, oo ahaa laba xabsi daa’in oo aan cafis lahayn muddo 40 sanadood ihi uu yahay mid ka hor imanaya jaatarka ”xuquuqaha iyo xorriyadaha”, isla markaana ”xaasidnimo ku jirto oo aan caadi ahayn.”

Bissonnette, 31-jir, ayaa lagu helay 6 dembi oo dil ah iyo 6 kale oo isku day dil ah kaddib markii uu weerar argixiso ku qaaday masjidka Quebec Islamic Cultural Centre 29 Jannaayo 2017. Wuxuu haatan xaq u yeelan doonaa in la cafiyo kaddib 25 sano.

Ninkan ayaa rasaas huwiyey jamaacada masjidka Quebec City in yar kaddib Salaadda Maqrib, waxaana ku dhintay 6 qofood oo kala ahaa: Aboubaker Thabti; Abdelkrim Hassane; Khaled Belkacemi; Mamadou Tanou Barry; Ibrahima Barry; iyo Azzedine Soufiane.

Waxaa kale oo dhaawacmay 19 qofood oo kale oo jamaacada ka mid ahaa.

Muslimiinta Canada ayaa sheegay in nooc kasta oo xukun ah oo ninkaa lagu rido aanu waxba ka tari doonin xanuunka ay dareemayaan, iyadoo markii hore ay dacwad oogayaashu soo jeediyeen in Bissonnette lagu rido 150 sanadood oo xabsi ah oo ka dhigan 25 sano qof kasta oo uu diley, balse Garsooraha Maxkamadda Sare ee Francois Huot ayaa go’aamiyey 40 sano oo aan cafis lahayn.

Boufeldja Benabdallah, oo ka mid ah asaasayaasha Quebec Islamic Cultural Centre ayaa CBC u sheegay in yaraynta xukunka ku dhacay ninkaa argagixisada ah ay farriin khaldan u dirayso kuwa doonaya inay weerarro noocan ah fuliyaan mustaqbalka.

Muslimiinta iyo eheladii dhibanayaasha ayaa xukunkan oo haatan khuseeya Gobolka Fraansiiska ku hadla ee Quebec rafcaan uga qaadan kara Maxkamadda Sare ee heer federaal.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments