”Madaxdu wax kasta kama hadlaan!” – Madaxtooyada oo ka aamusan qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho xilli aan hay’aadka amaanka looga fadhin inay ka daba tagaan

0

(Muqdisho) 28 Nof 2020 – Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lagu hoobtay oo lala beegsaday dhallinyaro Soomaaliyeed oo waqti ku qaadanaysey meel makhaayad ah oo jalaatada lagu iibiyo.

Sidii caadada ahayd waxaa baraha bulshada qabsaday tacsida iyo sawirrada dhallinyaro curdan ahayd oo lagu soo tiir iyo tacab beelay, iyadoo aan inta badan laga hadlin laba dhinac oo ay arrintu khuseeyso: kuwa qaraxa gaystey haddiiba la yaqaan iyo kuwa ay tahay inay dadka qaraxyada ka amaan geliyaan oo ah hay’aadka amaan ee DF.

Meesha uu qaraxu ka dhacay waxaa la isku raacay inay tahay goob ay adag tahay in loo duso oo inta badan dadka lagu baaro hareeraha laga soo galo iyo wixii u dhow.

Waxaa dheer, in ay caadi iska noqotay isla markaana lala qabsaday in aan hay’adaha amaanku aysan ka hortag haba joogtee aysan ka dabatagna xitaa lahayn, sida ay sameeyaan hay’aadka xirfadlayda ah ee amaanka ka shaqeeya (professional security apparatus) oo soo saara xogo ku saabsan haybta qofka, halka uu kasoo galay magaalada, halka uu kasoo galay goobta la qarxiyey, halka uu wax ku diyaariyey, cidda ku caawisay inuu meesha soo galo iwm.

Arrinta kale oo ka darani waxay tahay, Madaxtooyada oo beryahan ku mashquulsan dumitaanka dad ay ka hadashiinayso oo u jawaabaya qolyaha mucaaradka ah, ayaan dhiifoontaantaas iyo abaabulkaasi ka muuqanin marka ay qaraxyadu dhacaan, waxaana in qaraxa laga hor tago iskaba daaye aan xitaa muuqan in wax laga yiraahdo tacsiba ha noqotee.

Tusaale ahaan, madaxda sare oo ka tacsiyeeysa qaraxyada iyo daadadka ka dhaca min Delhi ilaa Denmark ayaan isku dhibin inay shakhsi ah u diraan shacabka walbahaarsan niyaddana u dejiyaan iyagoo ballan qaadaya inay amaanka wax ka qabanayaan.

Marka laga yimaado tacsi iyo cambaarayn kooban oo aanay cidina ku saxiixnayn oo kasoo baxday WF, boggaga Madaxtooyada Villa Somalia ee Facebook iyo Twitter, waxaa qoraal lasoo geliyo ugu dambeeysey 23 iyo 26-kii bishan, waana muuqaallo iyo qoraallo iidheh ah oo lagu taageerayo musharraxnimada Madaxwaynaha, iyadoo aan la aqoonin sababta ay sax u tahay u tacsiyeynta meelo fog iyo ka aamusidda magaalada kaliya ee ay si buuxda uga mas’uulka tahay DF Somalia.

”Madaxda sare wax kasta kama hadli karto.” ayuu hadda kahor yiri mid ka mid ah howlwaldeennada Madaxtooyada oo la waydiiyey sababta ay waxyaabaha qaar oo xasaasi ah uga aamusaan madaxda sare, taasoo ah faham aad u khaldan, waayo xilliyadan oo kale waa marka ama la helo ama la tebo hoggaanka.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media