Imaaraadka & Sucuudiga oo sii kala fogaanaya (Sucuudiga oo kulan rasmi ah la yeeshay Turkiga)

0

(Riyaad) 28 Nof 2020 – Wasiir Dibadeedka Turkey ee Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay inuu shalay kulan ”la isu daacad warramay” uu la yeeshay dhiggiisa Sucuudiga, halkaasoo ay uga arrinsadeen xiriirka xumaaday ee labada dal iyo arrimaha gobolka.

Çavuşoğlu ayaa tweet ku sheegay inuu la kulmay Faisal bin Farhan Al Saud oo qaab shir doceed ah loogu dhinac qabtay kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wasiirrada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

“Xiriir adag oo dhex mara Turkey-Sucuudiga kaliya anfici maayo labadeenna dal, balse wuxuu u roon yahay gobolka oo idil,” ayuu yiri Çavuşoğlu oo sheegay in Ankara ay muhiimad wayn siinayso xiriirka Riyaad.

Waxaa todobaadkii tegey telefoonka ku wada sheekaystay MW Recep Tayyip Erdogan iyo Boqor Salman bin Abdelaziz oo ku heshiiyey inay xiriirkooda xumaaday ay woxoogaa feereeyaan isla markaana ay furtaan hillinada wada xaajoodka.

Labada dal ayaa aad iskugu sii xumaaday kaddib khaarajintii Jamaal Khashuuqji oo Okt., 2018 lagu dhex qalay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Isu soo dhowaanshaha labadan dal ayaa imanaysa xilli ay aad u kala fogaadeen Imaaraadka oo Sucuudiga olog la ah iyo dalka Turkiga, iyadoo ay tani muujinayso inay sii kala tegayaan Imaaraadka iyo Sucuudigu oo 2 sano kahor aad iskugu xirnaa.

Hadalsame Media