Dalkii ugu horreeyey oo loo duuliyey shixnaddii ugu horreeysey ee tallaalka Covid-19 & goorta laga bilaabayo + Sawirro

0

(Brussels) 28 Nof 2020 – United Airlines ayaa shalay waxay Maraykanka u duulisay shixnaddii ugu horreeysey ee tallaalka ay diyaarisay shirkadda Pfizer ee cudurka COVID-19 kaasoo dabayaaqada Diseembar lagu wado in tallaalkiisa laga bilaabo Maraykanka.

Waa duullimaadkii ugu horreeyey ee rasmi ah oo tallaalkan uu dal ku iibsado, kaasoo aan weli si buuxda tijaabada uga bixin waloow la sheegay in 90% lagu guulaystey, waloow uu u baahan yahay hubin iyo qaboojin aanay awoodi karin dalalka qaarkood.

Dayuuraddan ayay Hay’adda Duullimaadyada Maraykana ee Federal Aviation Authority (FAA) waxay u ogolaatay inay tallaalkan ku qaaddo weelal waawayn oo uu baraf ka buuxo, waayo tallaalka Pfizer wuxuu u baahan yahay qaboojin ka hooseeysa 70 digrii Celsius.

United Airlines ayaa xamuulkan ka qaadday caasimadda Belgian ee Brussels, iyadoo ka dejisey garoonka Chicago ee O’Hare Airport.

Shirkadda ayaa magaalada Karlsruhe ee Jarmanka ku leh goob ay ku qaybiso dawooyinkeeda.

Hadalsame Media