”Aad baan uga xun nahay!” – Midowga Yurub oo ku dheggan Somaliland & arrinta lagu haysto

0

(Brussels) 28 Nof 2020 – Midowga Yurub ayaa war kasoo saaray dad xukunnaa oo ay toogatey Somaliland 26-kii Febraayo, iyagoo sheegay inay aad ”uga murugoonayaan arrintaa.”

”MY wuxuu aad uga murugaysan yahay toogashada 6 qofood oo ku xirnaa Xabsiga Mandheera.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay MY oo sheegay inay caadiyan kasoo horjeedaan mabda’a ciqaabta madaniga ah.

Waxay sheegeen, in sida ay qabaan, aanu jirin wax caddaynaya in ciqaabta dilka ihi ay dembiyada hor istaagto ama yareeyso, sidoo kalena haddii uu lacalla dhoco khalad dhanka sharciga ah, sida in qof aan dembi gelin la xukumo, aan dib loosoo celin karin qofkii la toogtey.

Waxay intaa raaciyeen in 2/3 ka mid ah dalalka dunidu ay haatan tuureen ciqaabta madaniga ah, iyaguna ay ku tala jiraan sidii uu dhaqankaasi u noqon lahaa mid caalami ah.

Diinta Islaamka ayaa qabta in la dilo qofkii wax dila, iyadoo ay marar badan caddaatay in haddii si cadaalad ah taa loo fuliyo ay dilalku aad u yaraadaan. Yeelkeede, lama hubo inay dadkaa la toogtey heleen hannaan cadaali ah, jeer maamulkaa aad loogu dhaliilo musuq iyo nin tooxsi baahan.

Hadalsame Media