Madaxii Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan oo lagu dhex khaarajiyey caasimadda Tehraan

0

(Tehraan) 27 Nof 2020 – Mohsen Fakhrizadeh, maskaxdii ka dambeysey barnaamijka nukliyeerka Iiraan ayaa lagu khaarajiyey bariga magaalda Tehraan ee caasimadda Iiraan, sida ay goor dhow xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

Saynisyahankan ayaa lagu khaarajiyey bariga Damavand, halkaasoo ay Iiraan sheegtay ”in ay argagixiso ku xabadaysey gaariga Fakhrizadeh, oo isaga oo dhaawac ah isbitaal loola cararay kahor intii aanu halkaa ku dhimanin.

Wasiir Dibadeedka Iiraan, Javad Zarif, ayaa falkan ku tilmaamay mid “argagixiso”.

“Waxaannu u garaaci doonnaa sidii biriq dadka diley shahiidkan oo aannu ka shallaaysiin doonno falkooda.” ayuu soo tweet gareeyey Hossein Dehghan, oo ah la Taliyaha dhanka ciidamada ee Ali Khamenei.

Dilka saynisyahankan oo ahaa wejiga Hay’adda Tamartka Nukliyeerka dalkaasi ayaa kusoo beegmaya jeer la hadal hayo in MW Donald Trump uu weerar ku qaado dalkaasi maalmaha yar ee ka haray muddo xileedkiisa oo ku eg 20-ka Jannaayo.

Hadalsame Media