Laba arrimood oo ay midi togan tahay midna taban tahay oo kasoo baxaysa kulanka MW Farmaajo & Gedu Andargacho

0

(Hadalsame) 25 Nof 2020 – La taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya ee RW Itoobiya, Gedu Andargacho, ayaa Muqdisho maalin dhowayd kula kulmay Madaxweyne Maxamed Farmaajo, kaasoo soo gaarsiiyey farriin sida la yiri uu ka sidey RW dalkiisa.

Kulankan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa ku qabsoomay Villa Somalia, yeelkeede, Danjiraha DF Itoobiya ee Somalia Amb. Jamaludin  Mustafa ayaa sheegay in La Taliyaha iyo Madaxweynaha Somalia ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah, gaar ahaan wax uu ku sheegay ”dagaal lagu soo celinayo sharciga dalka Itoobiya”, kaasoo uu sheegay in Somalia ay taageero u muujisay.

MAXAY ARRINTANI MUUJINAYSAA?

TABAN – Marka dhanka taban laga eego, waxaa DF Somalia ka muuqatey inaysan lahayn dhabbe istaraatiji ah oo degsan oo ay qaaddo siyaasadda arrimaha dibedda waana dhib soo taagnaa tan iyo markii ay Somalia heshay xornimo beenaadka 1960-kii, oo ay siyaasadda dibeddu ku dhisnayd hadba dareenka ninka markaa xilka haya, balse aanu jirin qorshe qaran oo degsan misna rigli ah.

Waxaa taa laga sawiran karey sida cashwaa’iga ah ee ay DF Somalia warar is dhaafsan uga soo saartay WAD, taasoo keentay in xilkii laga tuuro Wasiir Axmed Ciise Cawad oo beeniyey war horay uga soo WAD.

TOGAN – Marka dhanka togan laga eego, waxaa muuqanaysa inay Somalia yeelanayso woxoogaa culays dibadeed iyo door diblomaasiyadeed, waxaa kale oo sawirkan laga qaadan karaa Somalia oo beri iyadu meelaha daydadka ah taagnaan jirtey oo haatan la waydiisanayo taageeradeeda, weliba isla Itoobiyadii beri far jaawinta ugu yeeri jirtey madaxda tirada badan balse tayada xun ee Soomaalida oo hadafkooda siyaasiga ihi uu yahay gaarista dan shakhsiyadeed iyo cayrsiga qof kale oo shakhsi ah oo aragtidiisa loo diido si shakhsiyaysan, balse aan la xeerinaynin waxa uu ka hadlayo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

Facebook Comments