”Nagorno-Karabakh waa qayb aan laga goyn karin Azerbaijan” – Putin oo runta u sheegay Armenia

0

(Moscow) 24 Nof 2020 – ”Nagorno-Karabakh waa qayb aan laga goyn karin Azerbaijan.” ayuu yiri MW Ruushka ee Vladimir Putin oo la hadlayey Rossiya 1 TV.

Putin ayaa sheegay in aqoonsi la’aanta Armenia ee madax bannaanida Nagorno-Karabakh ay muujinayso inuu gobolkaasi yahay qayb ka mid ah Azerbaijan, isagoo sidoo kale sheegay in xeerka caalamiga ihi uu taageerayo middaas.

Putin oo sidoo kale soo qaatay heshiis dhanka iskaashiga amaan ah oo uu Ruushku kula jiro Armenia (CSTO), ayaa sheegay in ay u gurman lahaayeen haddii ay Azerbaijan weerari lahayd dhulka Armenia, balse gobolkani aanu ka mid ahayn dhulkooda, isagoo sidaa darteed sheegay in Moscow ay kasoo baxday waajibkii heshiiska ay kula jirto Yerevan.

RW Armenia ee Nikol Pashinian ayaa haatan ku baaqay in ay Ruushka la yeeshaan iskaashi ciidan oo ka wayn midkii hore, jeer ay ciidamada Azerbaijan bilaabeen inay soo galaan dhulalkii ay horay u haysatey Armenia oo uu Ruushku ku ciqaabay galaangalka ay la samaysatay reer Galbeedka oo aan iyaguna u gurman.

Qiyaastii 2,000 oo ciidan nabad ilaalineed ah ayuu Ruushku geeyey Nagorno-Karabakh iyadoo uu Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka ee Sergei Shoigu uu sheegay inay soo celiyeen ilaa 7,000 oo barakacayaal ah.

Hadalsame Media