”Somalia waxay maraysaa is-goys waxaana loo baahan yahay tanaasulaad qoto dheer” – Golaha Amaanka

0

(New York) 23 Nof 2020 – Wakiilka gaarka ah ee QM ugu qaybsan Somalia (UNSOM) ee James Swan ayaa qiray in laga gaabiyey sidii ku qornayd dastuurka Somalia oo ahayd in la qabto doorasho qof iyo cod ah, balse wuxuu sheegay in wax uun in lagu heshiiyaa ay ka “tarjumayso tanaasulka iyo milkiyadda siyaasadeed ee Soomaalida”.

Wuxuu soo dhoweeyey in la isku raacay ilaalinta qoondada 30% ee haweenka isagoo ballan qaaday in hay’adda UNDP, iyo Xafiisyada UNSOS iyo UNSOM ay gacan ka gaysanayaan fulinta nooca doorasho ee lagu heshiiyo iyo midda qof iyo cod ee mustaqbalka.

“Waxaannu madaxda Soomaalida ku boorrinaynaa inay si la isla ogol yahay ay u wada diyaariyaan dhabbe leh jadwal cad iyo qoondo si loo qabto doorasho qof iyo cod ah 2024/25”, ayuu yiri Swan.

“Maadaama ay hadda doorasho soo dhowdahay, waxaan hoosta ka xarriiqayaa in la yeesho dulqaad ku aaddan kala aragti duwanaanshaha, lana xushmeeyo xorriyadda hadalka, ka tirsanaanta ururrada iyo xorriyadda warbaahinta. Waxaa la taagan yahay meel is-goys ah waxaana loo baahan yahay tanaasulaad qoro.” ayuu ku celceliyey, isagoo sheegay inay iyagu taa kala shaqaynayaan siyaasiyiinta intii suuragal ah.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Francisco Caetano Jose Madeira, oo sheegay in loo baahan yahay “tanaasulaad badan” si looga mira dhaliyo doorasho baarlamaani ah, isagoo sidoo kale kalsooni ka muujiyey in AMISOM ay ku guulaysato inay ilaaliso amaanka doorashada iyo sidoo kale tababarka Booliiska Somalia.

Hadalsame Media