XF oo si ficil ah u qiratay khalad lagu haystey & tillaabo muran dhalis ah oo ay qaadday + Sawirro

0

(Muqdisho) 22 Nof 2020 – Xillo Madaxtooyada lagu haysto inay soo magacowday Guddi doorasho oo ay iyadu wadato ayay ku dhaqaaqday arrin kale oo ay taa ku qiranayso.

Waxay hoteelka 4ta Xiddigood ee Decale ku xaraysay xubno ka tirsan guddigaasi, taasoo lafteeda dood laga keenay maadaama aysan cid gaar ihi xaq u lahayn inay meel ku xarayso guddi qabanaya doorasho heer qaran ah oo aanay cidina gaar u lahayn.

Haatan waxay ku dhaqaaqday tillaabo kale oo dood kale abuurtay isla markaana ay si cad ugu qiranayso inuu yahay guddi hal dhinac ah kaddib markii ay XF “tababar u furtay” xubnaha guddigan.

“Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.” Ayaa lagu soo qoray barta Facebook ee Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Guddigan oo kale waa in haddii la tababarayo ay taasi ka timaaddaa hay’ado madax bannaan. “Waxay la mid tahay sida koox ay ciyaari kaala dhaxayso oo garsoorihii tababar u furaysa una sheegaysa sidii uu ciyaarta u qaban lahaa.” Ayuu yiri qof u dhega daloola sida ay wax u dhacayaan.

Arrintan ayaa halis gelinaysa hay’adaha dowliga ah ee curdanka ah iyadoo ay muuqato in la dhayalsanayo xasaasiyadda arrintan ka taagan oo u baahan in la fahmo culayskeeda iyo dhibka ka iman kara haddii la sameeyo guddiyo iyo doorashooyin is dhinac socda.

Hadalsame Media