Wasiir Dibadeedkii hore ee dalka Suudaan oo wajihi kara dil toogasho ah (Dembiyada loo haysto & ragga la eedaysan)

0

(Khartuum) 20 Nof 2020 – Wasiir Dibadeedkii hore ee dalka Suudaan iyo saraakiil kale ayaa wajahaya eedeymo kala duwan, oo haddii lagu caddeeyo keeni kara dil toogasho ah ama xabsi madaxaagu haku furto ah oo abadi ah, iyagoo loo haysto in ay gacan ka hadal adeegsadeen, sida lagu qoray Sputnik.

Ibrahim Ghandour, oo sidoo kale ahaa xisbigii la kala diray ee National Congress Party kaddib markii la ridey Omar Al-Bashir sanadkii tegey, waxaana la eedeeysan Anas Omar, madaxii hore ee isla xisbigaasi, Muhammad Ali Al-Jazouli iyo Amr Moussa.

Kumanaan dad ah ayaa iskugu soo baxay jidadka Khartoum iyo magaalooyin kale 30-kii Juun, kuwaasoo dalbanayey in laga dhabeeyo yoolalkii kacaankii Diseembar, kuwaasoo ay ka mid ahayd in lasoo gole taago raggii ku jirey rajiimkii dhacay, iyo in la dhameeyo cunaqabataynta dhaqaale ee neefta ku dhejinaysa dalkaasi.

Mudaaharaadyadii bilowday Diseembar 2018-kii ayaa keenay in la tuuro taliskii Cumar Xasan Al Bashiir, Abriil 2019.

Hadalsame Media

Facebook Comments