”Warsame waxaan yeelannay kulan aan isku laab xaaranney” – Khayrre + Sawirro

0

(Muqdisho) 20 Nof 2020 – RW hore ee Xasan Cali Khayrre oo maanta Muqdisho soo gaarey ayaa isla caawa kulamo kala duwan la yeeshay siyaasiyiin u badan musharrixiinta madaxtinnimada dalka.

Wuxuu sidoo kale la kulmay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, oo wax badan ka tirsanayey Xukuumaddii uu isagu hoggaaminayey, sida weerar lagu qaaday gurigiisa, waloow aan weli si rasmi ah loo ogayn cidda amartay ciidanka weerarka gaystey.

”Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay,” ayuu yiri Khayrre.

”Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa.” ayuu daba dhigay RW hore.

Khayrre ayaa sidoo kale isla caawa la kulmay rag iyo ka mid yihiin MW hore sida Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo qaar kale.

Hadalsame Media