Faransiiska oo ka ”masayrsan” doorka ay Ruushka & Turkigu ka qaataan khilaafka Nagorno Karabakh (Qorshe uu wato)

0

(Paris) 20 Nof 2020 – Faransiiska ayaa soo jeediyey in muraaqibiin caalami ah loo diro dhaqan gelinta xabbad joojinta Nagorno-Karabakh isagoo muujiyey in Ruushka iyo Turkigu ay ku heshiiyeen in reer Galbeedka bannaanka lagu horo marka ay timaado nabadda gobolka Qoowqaasiya.

Moscow ayaa wax ka guddoomisa kooxda Minsk Group, oo la dhisay 1992-kii, kuwaasoo arrimaha Nagorno-Karabakh la go’aaminayey Washington iyo Paris, balse markan waa laga dul boodey oo kuma jirin heshiiskii Armenia iyo Azerbaijan ee lagu dhameeyey xiisaddan 30-ka sano soo taagnayd.

Ruushka ayaa xabbad joojinta kaddib kulan la yeeshay Turkey, oo olog dhow la ah Azerbaijan isla markaana aad uga horjeeda Minsk Group, taasoo keeni karta in Ankara ay ciidan nabad ilaalineed halkaa dirto.

“Si khilaafka si daacadnimo ah loogu dhameeyo waa in la ogolaadaa in kumannaan dad ah loo ogolaado inay guryohooda kusoo noqdaay,” ayuu yiri MW Emmanuel Macron oo telefoon kula hadlay MW Azerbaijan iyo RW Armenia.

Faransiiska ayaa leh 400,000 ilaa 600,000 oo qof oo asal ahaan Armenian ah, kuwaasoo dareensan in Faransiiska iyo guud ahaanba reer Galbeedku ay dagaalka ku daawadeen oo aysan kaalmo ku filan siinin nidaamka Yerevan.

“Waxaannu doonaynaa in Minsk Group ay door ka ciyaaraan indha idhaynta xabbad-joojinta.” ayuu Macron ku yiri Reuters.

Hadalsame Media