”Xil inaan qabto hadda diyaar uma ihi noocuu doonaba ha noqdee” – Cawad oo diidey xil uu u magacaabay MW Farmaajo

0

(Muqdisho) 19 Nof 2020 – Waxaa goor aan fogayn xilka Wasiir Dibadeedka DF Somalia laga xayuubiyey Axmed Ciise Cawad, sida kasoo baxday Xafiiska RW Rooble.

Cawad ayaa la fahamsan yahay inay madaxda sare, gaar ahaan MW Farmaajo isku maandhaafeen mowqifka ay Somalia ka qaadanayso dagaalka Itoobiya.

Yeelkeede, Cawad ayaa muujiyey in xil kale loosoo bandhigay, kaasoo uu iminka ka hadlay go’aanka uu ka qaatay.

”Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa.” ayuu Twitter kusoo qoray Md Cawad.

”Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna.” ayuu raaciyey.

Cawad ayaa lagu bedeley Cabdirisaaq Max’uud Abuukar oo la sheegay inuu dhalay saraakiishii sare ee nidaamkii caskariga ahaa.

Hadalsame Media

Facebook Comments