Turkiga oo bilaabay inuu dibedda u iib geeyo agab uusan samayn jirin 2 bilood kahor (Qandaraas malaayiin ku kacaya)

0

(Ankara) 19 Nof 2020 – Sharikadda farsamaysa agabka ciidanka ee ASELSAN, ayaa gashay qandaraas ku kacaya $38.8 milyan oo doollar (TL 297.3 milyan oo Liiraha Turkiga ah) si ay bikaacyada ay daroonnadu wax ku arkaan iyo agabka isgaarsiinta uga iibiyaan dal aan la sheegin.

Shirkadda ayaa hay’adda xogsiinta buslahda (KAP) arrintan usoo bandhigtay, iyadoo 3 qaab ku iibinaysa qalabkan.

ASELSAN waxay agabkan dalkaa gaarsiin doontaa inta u dhaxaysa 2021 ilaa 2022, iyadoo ay taasi ka dhigan tahay in dalalka ay shirkaddani qalabayso ay haatan gaareen 70 dal oo 6 ka tirsani ay sanadkan 2020 soo kordheen.

Shirkadda ayaa guud ahaan sanadkan heshay $327 milyan oo doollar, iyadoo filaysa $90 milyan oo doollar oo dheeraad ah inta aanu sanadkani dhamaanin.

Waxaa xusid mudan in Turkigu aanu 2 bilood kahor samayn jirin bikaacyada ay wax ku arkaan daroonnadu oo uu kasoo degsan jirey dalal ay ka mid yihiin Canada oo ka joojisey markii uu bilowday dagaalkii Nagorno Karabakh.

Hadalsame Media