”Qunsulka Faransiiska waxaa salfatay siyaasadda sumaysan ee Macron” – Wargays Faransiis ah

0

(Tangier) 19 Nof 2020 – Qunsulkii Guud ee dhowaan loo magacaabay dalka Marooko ee Denis Francois ayaa maydkiisa laga helay Tangier.

Warqaadka Moroccan-ka ah ee Le360, oo soo xiganaya ilo xog xogaal ah, ayaa qoray in Francois uu is diley. Yeelkeede, booliiska ayaa baaris wada welina si rasmi ah uma baahin sababta dhimashadiisa, iyadoo ay weliba diideen inay geeridiisa ku sababeeyaan is miidaamin.

Weriyaha Tarek Cherkaoui oo ah qoraa iyo cilmi baare ka tirsan TRT, ayaa sheegay in dilka Qunsulka lala xiriirinayo wax uu ku sheegay ”natiijo la dhalatay jawiga sumaysan” ee ka dhashay sida uu wax u wado MW Faransiiska Emanuel Macron, sida lagu qoray warqaadka Faransiiska ah ee Le Monde.

Marooko ayaa ka mid ahayd dalalkii ka gilgilshey siyaasadda Faransiiska ee Muslim nacaybka ah, taasoo bishii hore meel halis ah gaartey, waloow uu Faransiisku markii dambe is debciyey kaddib markii uu arkay inaysan wax ku soconaynin sidii xawaaraha badnayd ee MW Macron.

Hadalsame Media