Dowladda Itoobiya oo sheegtay in Agaasimaha WHO uu hub u doontay Masar & dalal deris la ah (Tillaabo ay ka qaadayaan)

0
Ethiopian Foreign minister Tedros Adhanom (L) and Somali President Hassan Sheik Mohamud attend the East African Foreign ministers meeting in Mogadishu, Somalia, on January 10, 2015 to push peace efforts in war-torn Somalia, the first time the regional bloc has met in the country for almost three decades. Dozens of heavily armed soldiers and police patrolled the streets, where Al-Qaeda-affiliated Shebab militants regularly carry out bombings and killings. AFP PHOTO / Mohamed Abdiwahab (Photo by Mohamed Abdiwahab / AFP) (Photo by MOHAMED ABDIWAHAB/AFP via Getty Images)

(Geneva) 19 Nof 2020 – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom, ayaa la sheegay inuu si “buuxda ugu howllan yahay dadaallo diblomaasiyadeed iyo kuwo ciidan” oo uu taageero ugu raadinayo malliishiyaadka TPLF, isagoo ka faa’iidaysanaya booskiisa, sida uu sarkaal sare sheegayo.

Tedros, oo xilka WHO hayey tan iyo 2017-kii, wuxuu xubin ka ahaa ragga ugu tunka roon Guddiga Joogtada ah ee TPLF. Wuxuu sidoo kale ahaa Wasiirka Caafimaadka Itoobiya min 2005 ilaa 2012 iyo kan Dibedda min 2012 ilaa 2016-kii.

“Tedros wuxuu hay’adaha QM ku cadaadinayaa inay cadaadis saaraan DF Itoobiya si ay shuruud la’aan u joojiso dagaalka Tigraay ee ka dhanka ah TPLF, isagoo magac xumaynaya Dowladda Dhexe,” ayuu yiri sarkaal sare oo aan magaciisa sheegin lana hadlay Anadolu Agency.

Wuxuu intaa raaciyey in Itoobiya ka war qabto howsha uu ku fooggan yahay, waxaana ka mid ah inuu taageero dhanka hubka ah waydiistey dowladda Masar si loogu taageero TPLF.

“In lala xulufoobo Masar, oo sanado badan qas ka waddey Itoobiya isla markaana doonaysa in la joojiyo dhismaha Biyo-xireenka GERD waa khiyaano qaran,” ayuu yiri.

Sarkaalka oo sheegay inuu fadhiyey kulamo badan oo xog-siin amaan ah, wuxuu kaloo tilmaamay in Tedros uu sidoo kale la xiriirey dalal deris la ah Itoobiya kuwaasoo uu waydiistey taageero dhanka sahayda ah, kuwaasoo u dayriyey, sida uu sarkaalkani sheegayna ku yiri ”arrintu waa mid maxalli ah oo ma gelin karno.”

Wuxuu kaloo sheegay in maadaama uu Tedros ku tacaddiyey xilkiisa ay warqad ashtako ah u qorayaan QM.

Hadalsame Media