Ciidamo Tigree ah oo la xaqiijiyey in dabkii laga dhigay (Walaac ka muuqda Itoobiyaanka Somalia jooga)

0

(Muqdisho) 19 Nof 2020 – Ethiopia ayaa shalay sheegtay in Tigreega ka qayb qaadanaya nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia ku sugan hubkii laga dhigay sababo amaan dartood, taasoo kicisay walaac ku saabsan awoodda ay u leeyihiin la dagaallanka Shabaabka.

Ilo amaan iyo kuwo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in dabka laga dhigay inta u dhaxaysa 200-300 oo askari, xilli gobolkoodu uu dagaal furan kula jiro DF Itoobiya.

Ciidamada Ethiopia oo ah kuwa hadda ugu ballaaran Geeska Afrika ayaa door wayn ku leh gobolka, waloow mar kasta la dhaliilo ka qayb ahaanshaha dalalka deriska ee nabad ilaalinta Somalia oo xumaatay tan iyo markii ay qaybta ka noqdeen AMISOM.

Tigreega ayaa Itoobiyaanka Somalia soo geliyey markii uu xilka hayey RW geeriyoodey ee Melez Senawi, iyadoo uu dagaal qaraar ka dhacay magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale, kuwaasoo markii dambe keenay inay Somalia ka baxaan, waloow ay soo noqdeen.

Hadalsame Media