Trump oo todobaadka ugu dambeeya ka fikiraya inuu dagaal ku qaado dalka Iiraan & wixii lagula taliyey

0

(Washington, DC) 17 Nof 2020 – MW Donald Trump ayaa sida lasoo sheegayo wuxuu la taliyeyaashiisa Aqalka Cad waydiistey inay ka arrin keenaan “dookhyada” uu haysto haddii ay noqoto inuu weerar ku qaado tas’hiilaadka nukliyeer ee dalka Iiraan.

Shirkan ayaa la sheegay in uu ka dhcay Oval Office oo ah xafiiska shaqo ee Madaxwaynaha, halkaasoo uu kula shiray madaxdan, sida ku qoran warqaadka New York Times.

Mr Trump ayaa arrintan kala tashaday MW Xigeenka Mike Pence, WAD Mike Pompeo iyo qaar kale, kuwaasoo u sheegay in dagaal ama duqayn noocaas ihi ay horseedi karto dagaal ballaaran oo gobolka ku fida, iyagoo uga digey tillaabo noocan ah xilligan uu sii degayo.

Hay’adda Tamarta Atoomikada Adduunka ee IAEA ayaa Arbacadii sheegtay in Iiraan ay  Natanz ku hayso nukliyeer ay bacrimisay oo 12 jeer ka wayn midkii lagu ogolaaday heshiiskii 2018-kii ee uu daaqadda ka tuuray Trump.

Dadka uu Trump la tashaday ayaa la fahamsan yahay inay u sheegeen “weerar haatan la qaado aan miiskaba lasoo saarin,” sida uu qoray the Times.

Hadalsame Media