Shiinaha oo Hindiya u adeegsadey hub cusub oo nolosha ku ”kariyey” askartooda & nooca hubkaasi + Jaantusyo

0

(Ladakh) 17 Nof 2020 – Ciidamada Shiinaha ayaa hub ‘microwave’ ah u adeegsadey dhiggooda Hindiya, taasoo keentay inay jirro sillooni kusoo booddo ciidanka Hindida waxayna ku khasbanaadeen inay ka gurtaan meel ka mid ah xadka buuraleeyda Himalaya oo ay isku hayeen.

Hubkan oo ku shaqeeya magnat danabeed ayaa karin kara nudayaasha insaanka, isagoo figta sare ee buuraleeyda u rogey sida ”microwave-ka cuntada lagu kululaysto’, waxaana dhacday inay askartii wareer iyo matag ku waashaan, sida uu prof Chinese ah oo la yiraahdo Jin Canrong uu ardaydiisa ugu sheekeeyey isagoo jooga Beijing.

Hubkan microwave-ka ah oo abbaaraya malakiyuullada dareeraha ama biyaha ah ee ku jira jirka insaanka ayaa keenaya inuu qofku dareemo xanuun aad u daran maadaama gudaha laga karinayo wuxuuna gaari karaa meel ka fog 0.6 mayl, iyadoo haddii hirbaaciisa la kordhiyo qofka dhan si caadi ah loo karin karo isagoo nool.

Khabiirka Jin oo yaqaanna Xiriirka Caalamiga ah ayaa soo dhoweeyey tillaabadan ay qaadeen Ciidanka Shiinaha oo uu ku tilmaamay kuwo si ”qurux badan” dib ugu riixay Ciidanka Hindiya, iyagoo aan ku xad gudbin xeerkii ka degsanaa in xabbad la adeegsado.

Waa se markii ugu horreeysey ee uu dal si toos ah uu goob dagaal ugu adeegsado hubkan casriga ah oo ka mid ah noocyo badan oo hub ah oo dunida ku cusub.

Sida uu qorayo The Times, hubkan ayaa la sheegay inuu Shiinuhu halkaa geeyey bishii Agoosto kaddib markii ay labada dal ay bud iyo dhagxaan iskala daaleen, iyadoo 20 askari xilligaa laga diley Hindiya, taasoo keentay inay dagaal ku sigtaan 2-dan quwadood oo 53 sanadood isku hayey meesha dunida ugu sarreeysa.

Hadalsame Media

Facebook Comments