Qaab lagu xakamayn karo lacagaha lagu kala qaato Baarlamanka dhexe oo lasoo jeediyey

0

(Hadalsame) 17 Nof 2020 – Waxaa haatan soo dhow doorashada guud ee dalka oo ay ku jirto midda Labada Aqal, taasoo marka laga soo tago in lacago badan oo laaluush ah lagu qaato doorashadooda misna ay jiraan dad muddo dheer ku fadhiya kursiga xildhibaannimada.

Siyaasiga Cali C Cosoble, oo ahaa MW hore ee Maamulka Hirshabeelle, ayaa haddaba soo jeediyey ra’yi cusub oo lagu xakamayn karo laaluushka, sida uu isagu qabo. Wuxuu yiri:

”Si loo yareeyo musuqa iyo jahawareerka siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa ila quman in muddo xileedka xildhibaanada baarlamaanka federaalka lagu soo koobo laba sano oo keliya sida congresska Mareykanka,” isagoo raaciyey.

Wuxuu deeto keenay sababta uu sidaa usoo jeedinayo.

”Waxaan aaminsanahay laaluushka inuu dhamaan lahaa, xildhibaankana uu si dhab ah ugu xirnaan lahaa dadka iyo degaanka uu matalo, halka ay hadda xildhibaannada saddexda sano ee hore ka dhuuntaan dadkii kursiga lahaa, sannadka u dambeeyana laaluush iyo bakhti iyo xaaraan kursiga ku raadiyaan.”

Hadalsame Media