Nibiriyaal doonyaha geddinaya oo laga mari la’yahay Badda Atlaantigga (Daawo)

0

(Hadalsame) 16 Nof 2020 – Lixdii biloowd ee tegey oo qura waxaa lasoo sheegay ugu yaraan 40 shil oo ay nibiriyada loo yaqaanno orcas oo ah kuwa ugu waawayn isla markaana wax dil ay doonyo isku dayeen inay rogaan meelo ka baxsan xeebaha Spain iyo Portugal.

“Badiyaa sahal kuma cabsado, balse tani waxay igu beertay cabsi wayn,” ayuu yiri David Smith oo gocanaya arrin xilli fiid u dhow oo bishii Oktoobar ahayd qabsatay kaddib markii uu soo weeraray nibiri isku dayey inuu gediyo dooni nooca raaxada ah oo uu watey.

Wuxuu sheegay inuu markii hore moodayey hambaro oo aan iyadu halis ahayn, balse uu markii dambe garaystay inay aad uga wayn yihiin, isla markaana ay u dhaqmayeen si la yaab badan oo sirgaxan. Orcas waa nibiri dabar go’ ku sigan oo aad loo ugaarsado, iyadoo haatan la mamnuucay in la dabto.

Wuxuu sheegay in muddo 2 saacadood ah ay koox nibiriga Orcas loo yaqaanno ihi ay isku dayayeen inay riixaan doonida oo dhererkeedu ahaa 45ft (13.7m) isagoo kasoo shiraacday Portugal.

David oo ah nin tan iyo 2013-kii ku shaqaysanayey in uu doonyaha cusub u wado halka ay doonayaan dadka iibsada, ayaa doonidan isaga oo ay koox kale wehliyaan wuxuu u kexeeynayey dhanka Gibraltar, isagoo ka keenay Faransiiska.

“Waxay ahaayeen 6-7 nibiri, waxaase ugu dhib badnaa kuwa ugu yar yar.” ayuu yiri Smith, oo sheegay inay abbaarayeen rudder-ka oo ah baangadda ka dambeeysa marawaxadda dambe ee doonida ka caawisa inay weecweecato ama leexato.

Shilal hore qaarkood.… Bishii Luulyo, dooni ayaa lagu khasbay inay ku laabato xeebta kaddib markii ay weerareen oo ay baangadda dambe ka qalloociyeen.

Bishii Agoosto, dooni wadata calanka Faransiiska ayaa wacday ilaalada xeebta iyadoo u sheegtay inay weerar kala kulmayso nibiriyaashan.

Isla maalintaa gelinkii dambe, dooni Spanish oo la yiraahdo Mirfak, ayaa rudder-ka laga jejebiyey markii ay soo weerareen nibirayaasha Orcas, waxaana lasoo gudbiyey muuqaal ay doonidu isku dayayso inay ka cararto iyaguna ay cayrsanayaan.

Bishii Sebtembar, nin u socda Scotland oo kasoo goostay dekedaha Spain ayaa waxaa mar qura caasha soo saaray nibiri isagoo doonidii u jeediyey jihadii ay ka timid, wuxuuna kaddib burburiyey baangadda rudder-ka, isagoo weerarka ku hayey muddo 45 daqiiqadood ah.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media