XOG: Itoobiya oo kumannaan askari kala baxaysa Somalia & saraakiil Tigree ah oo la xirey

0

(Addis Ababa) 14 Nof 2020 – Ethiopia ayaa la sheegayaa inay Somalia kala baxday kumannaan askari oo aan ka tirsanayn kuwa AMISOM, sida ay sheegayaan ilo hoose, taasoo kicisay walaac ah inay Somalia ka dhacdo marnaan amaan.

Ethiopia ayaa ilaa 3,000 oo askari oo gurmad ah u dirtay dagaalka Tigraay, iyadoo ciidamada ay Itoobiya la baxayso ay yihiin kuwo ka baxsan 5,000 oo askari oo Itoobiya ugu jira AMISOM, sida ay sheegayaan ilo is qarinaya.

Kooxda Shabaab ayaa tan iyo 2006-dii Somalia ka dagaallamaysey, iyadoo haatan uu dagaalkeedu inta badan ku jihaysan yahay shacabka oo kala kulma qaraxyo iyo dilal qorshaysan, iyo sidoo kale baad maaliyaadeed, taasoo sahasha faragelinta lagu hayo dalka.

Warar kale oo aan weli la xaqiijinin ayaa sheegaya in xubnaha Tigrega ah ee Ciidanka Itoobiya ka tirsan il gaar ah lagu hayo, qaar ka mid ah saraakiishana laba xirxirey, gaar ahaan Baydhabo, waana arrin cibaaro ah, waayo Tigreegu waa kuwo Itoobiyaanka keenay Somalia oo ay dhibaatooyin waawayn ka gaysteen.

Bixitaanka la sheegay ayaa waxaa kasii horreeyey qorshe la sheegay inuu kasoo fuley MW Maraykanka Donald Trump oo isna sheegay inuu Somalia ciidankiisa kala baxayo, waloow ay taasi hadda is bedeli karto.

Maraykanka ayaa waxaa Somalia ka jooga 650 ilaa 800 oo askari, sida uu sheegay Taliska AFRICOM, kuwaasoo tababar siiya ciidanka Somalia qaarkood.

Hadalsame Media