Laba qarax oo waawayn oo ka dhacay magaalooyinka Gobolka Amxaara (Yaa looga shakisan yahay?)

0

(Gondar) 14 Nof 2020 – Laba qarax oo waawayn ayaa ka dhacay 2 magaalo oo ku yaalla Gobolka Amxaara, oo ay deris yihiin Gobolka Tigraay oo uu ka soconayo dagaalka ay DF kula jirto malliishiyaadka Tigreega.

Labada qarax ayaa ka dhacay magaalooyinka gobolkaa ugu waawayn ee Bahir Dar iyo Gondar, sida uu sheegay Xafiiska Isgaarsiinta Amhara oo bulshada war siiyey.

Waxaa soconaya baaritaanno ku aaddan in qaraxyadu ay xiriir la leeyihiin dagaalka Tigraay iyo in kale, kaasoo ay ku dhinteen boqollaal dad ah, tan iyo markii uu RW Abiy Ahmed uu halkaa u diray millateriga Federaalka 4tii bishan Nof.

QM, Midowga Afrika iyo qaar kale ayaa walaac ka muujiyey in dagaalkani uu qalalaase cusub ka oogo Geeska Afrika guud ahaan.

Hadalsame Media