”Aniga oo ooyaya ayaan gurigaygii iska aadey” – WFP oo Somalia ka wadda barnaamij lagu diirsaday

0

(Muqdisho) 14 Nof 2020 – Muslima Cabdiraxman, waa hooyo 9 carrruura leh, oo labadii sano ee tegey 2 jeer ka badbaadey qaraxyada aan loo aaba yeelin ee goobaha shacabka sida jidadka iyo suuqyada laga rido, iyadoo Muqdisho ka dukaamaysanaysa.

“Jalbaabka ayaa ilmadii iskaga tiray waxaana aadey gurigaygii anigoo aan waxba iibsanin.” ayay tiri iyada oo gocanaysa.

Hadda waxay Muslima ka faa’iidaystaa mashruuca WFP ee “humanitarian e-commerce” oo laga wado Somalia, taasoo qayb ka ah qorshe dadka lagu siinayo lacag kaash ah halkii raashin toos ah laga siin lahaa.

Arrintan ayaa waxay dadka ka caawinaysaa in aan loo baahanin in ay dad badani iskugu yimaadaan goobaha cuntooyinka lagu qaybiyo oo ay foowdooyin ka dhacaan, dadka qaarna lagu handado, iyo sidoo kale in laga gaashaanto COVID-19.

Muslima ayaa deeto iyada oo adeegsanaysa app la yiraahdo e-Shop oo ay abuurtay WFP, waxay lacagta yar ee bishii la siiyo oo ah $60 ku iibsan kartaa waxyaabaha ay u baahan tahay min saliidda cuntada ilaa cusbo, iyadoo waqtiga u haray ilmeheeda la qaadata, maadaama 2018-kii ay WFP bilowday in dadka cuntooyinka ay dalbadaan xeryohooda loogu geeyo, sida uu sheegay Cesar Arroyo, madaxa WFP ee dalka.

Si kasta, waloow ay intani caymasho tahay misna waxba ku tari mayso qoys sidaa u ballaaran, waxaana muhim ah in qorshe siyaasadeed lala yimaado si loo wanaajiyo tayada nololeed ee umadda, balse taasi ma muuqato hadda.

Hadalsame Media