Trump oo ay rajadiisu sii dhimanayso oo sir yaab leh ku qarsaday nin ay saaxiib yihiin

0

(Washington, DC) 13 Nof 2020 – MW Donald Trump oo aan muddo todobaad ah hadal rasmi ihi kasoo bixin ayaa khadka telefoonka ugu sir baxay weriyaha Geraldo Rivera oo sheegay inuu ‘sida saxan yeeli doono.’

Wuxuu Rivera sheegay in Trump uu u sheegay inuu yahay ‘qof waaqici ah’ oo sida wanaagsan samayn doona, balse misna uu doonayo inuu ka gun gaaro sida gobollada looga codeeyey.

Warkan ayaa soo baxaya xilli uu Trump wado dagaal sharci ah isagoo dood ka keenay guusha Joe Biden, tiiyoo ay dadkii codadka markale tiriyey ay sheegayaan inaysan weli arag wax khaldan.

Yeelkeede, warkan uu Trump saaxiibkii la wadaagey marna kuma jirto inuu aqbalayo guusha MW dooran ee Joe Biden.

‘Wuxuu u muuqdey inay ka go’an tahay inuu ku dagaallamo cod kasta, haddii laga badiyana wuxuu ka hadli doonaa waxyaabihii uu qabtay,’ ayuu yiri Rivera.

Si kastaba, Trump ayaan dhanka sharciga laftiisa talo badan ku haynin, tusaale, Gobolka Arizona, waxay qarreennadiisu iska daayeen inay halkaa dacwo ka furaan kaddib markii codad badan oo la tiriyey ay wada raaceen Biden.

Biden ayaa sidoo kale helay Georgia isagoo sidaa ku noqday MW ugu horreeyey ee Dimoqraadi ah ee gobolkaa hela muddo 28 sanadood ah.

Waxaana halkii uu Trump rajo ka qabey inuu kusoo dhowaado amaba soo qabto Biden gobollada qaar oo ay isu dhowaayeen iminka sii fogaanaya Biden markii dib loo tiriyey qaar aan horay loo tirina la xisaabay.

Trump ayaa hadda la sugayaa inuu dadka la hadlo markii ugu horreeysey tan iyo markii laga adkaaday.

Hadalsame Media